Haldoornews.com
Amisom Oo Sheegtay In Baadhitaano Ku Samaynayso Dad Ciidamadeedu Ku Laayeen Gobolka Shabeelaha Hoose
August 12, 2021 - Written by admin

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Dadka ay dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa ay dhaawaceen ayaa waxaa la la keenay Magaalada Muqdisho habeen ka hor,waxaana dowladda Soomaaliya ay ka dalbadeen in Cadaalad loo raadiyo dadkooda.

COMMENTS
Wararka