|
|
||||
|
Haldoornews.com
EX, Xildhibaan Bidhi Oo Bogaadiyay Doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland
August 4, 2021 - Written by admin Siyaasi Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ee shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dimoqraadiyadda qaan-gaadhay ee somaliland.
Mubaarig Bidhi, oo ka mid ahaa golihii deegaanka hore ee Burco ayaa sheegay in doorashadaasi ay u dhacday si wanaagsan oo hogaamin leh oo is-dhegaysi iyo dimoqraadiyadda ay ku tallaabsatay jamhuuriyadda Somaliland. Ex- xildhibaan Bidhi, oo u waramay Sahan TV isagoo ku sugan dalka Ingiriiska waxa kaloo uu sheegay in qaabkii ay shalay u dhacday doorashadii shir-guddoonka Wakiiladda Somaliland in ay guusheedda leeyihiin guddoomiyaha Guurtidda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare. Waxaanu Mubaarig Bidhi, ku tilmaamay in doorashadaasi ay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaanba qaranka Somaliland, isla markaana ay soo af-jartay doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii bishii May ee sanadkan. Geesta kale Ex. Xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in ay guusha hanashadda mucaaradka ee shir-guddoonka Wakiiladda ay qayb ka qaateen siyaasiyiinta ka cadhooday xisbiga Kulmiye, kuwaasoo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi. DAAWO: EX. Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaasi ka hadlaya:
COMMENTS
|
Wararka
|
|||