Sidaasina waxaa lagu sheegay dhanbaal hanbalyo ah oo uu maanta diray madaxweyne Muus Biixi.
|
|
||||
|
Haldoornews.com
Madaxweyne Biixi Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiista Ku Xukuman Denbiyadda Fudud
July 19, 2021 - Written by admin :Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray guud ahaanba shucuubta islaamka ah gaar ahaana bulshadda Somaliland munaasibadda Ciidul-Adxaa awgeed.
Sidaasina waxaa lagu sheegay dhanbaal hanbalyo ah oo uu maanta diray madaxweyne Muus Biixi. Dhanbaalkaasi hanbalyada ahina waxa uu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano. Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo. Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr”.
COMMENTS
|
Wararka
|
|||