Haldoornews.com
Cusbitaalka Dhimirka Ee Laascaanood Oo Maanta La Dhagax Dhigay
July 11, 2021 - Written by admin
    

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa maanta magaaladda Laascaanood ka dhagax dhigay cusbitaalka loogu tallo galay xanaanaynta iyo daryeelka dadka Dhimirka ka buka.

Dhagax dhiga cubsitaalka Dhimirka Laascaanood waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.

Waxa kaloo halkaasi goob joog ka ahaa  agaasimaha cusbitaalka guud ee Laascaanood iyo maayarka cusub ee magaaladda Laascaanood.

Cusbitaalka Dhimirka  Laascaanood ee maanta la dhagax dhigay waxaa laga maalgelinayaa miisaaniyadda qaranka ee dawladda Somaliland.

 

COMMENTS
Wararka