Haldoornews.com
Madaxweyne Biixi Oo Loogu Baaqay Inuu Wax Ka Qabto Cabashadda Xamaaliinta Berbera
April 20, 2021 - Written by admin
    

Xubno isugu jiray madax dhaqameed iyo odayaal ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu wax ka qabto cabasho ka soo yeedhay ganacsatadda loo yaqaano Geelleyaasha ee dekadda Berbera.

Kadib markii sida ay sheegeen ay cabasho ka soo gaadhay xamaaliinta dekadda Berbera oo ka cabanaya shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera.

Waxaanay fariintaasi ay u direen madaxweyne Biixi in cida keliya ee arrintaasi wax ka qaban kartaa ay tahay isaga, maadaama oo uu yahay masuulka ugu sareeya qaranka.

COMMENTS
Wararka