Xukuumadda oo Siidh Bilaash Ah U Qaybinaysa Beeralayda Dalka
April 18, 2021 - Written by admin
Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa bilowday in ay beeralayda u qaybiso abuur waddani ah oo ka kooban Galay, hadhuudh iyo Diggir.
Abuurkan Waddaniga ah oo muddo 3 sano iyo badh ah ay waasaaradu ku kaydinaysay xarunta cilmibaadhista beeraha ee Abuuriin, ayaa la gaadhsiin doona beeralayda.
“Maanta halkan waxaynu ku qaybinaynaa siidh kii dalka kasoo go’ay ee ay soo saartay waaxda Soma seed, oo 3 dii sano ee ugu danbeeyay ay ku howlanayd” sida waxa yidhi wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.