|
|
||||
|
Haldoornews.com
Shacabka Magaalada Jig jiga Oo Maanta Iskugu Soo Baxay Tukashada Salaad Roob Doon Ah.
March 23, 2021 - Written by adminSalaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga.
Maamulka u sarreeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba. Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado. Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn.
COMMENTS
|
Wararka
|
|||