Haldoornews.com
Warbaahinta Imaaraadku Maxay Ku Sheegtay Shaqada Wakiilkii Uu Madaxweyne Biixi Ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga? Dubai (W,N)-Warbaahinta Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wax ka
March 18, 2021 - Written by admin

Wakaaladda Wararka ee Dawladda Imaaraadka Carabta oo Magaceedu yahay ‘wam’ ayaa sheegtay in Abdullah Muhammad Al Naqbi oo ah Wakiilka Xafiiska Ganacsiga Imaaraadka ee Somaliland uu Waraaqihiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland isla-markaana laga guddoomay.

Wakaaladda Wararka ee WAM waxay sheegtay in Al-naqbi uu Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Salaan uu uga siday Madaxda Dawladda Imaaraadka, sida Madaxweyna Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweyne Ku-xigeenka Sheekh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Ra’iisul Wasaaraha iyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Taliye Ku Xigeenka Sare ee Ciidamada Imaaraatka Carabta, kuwaasi shacabka Somaliland u rajeeyay horumar.

Wakaaladdu waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu Wakiil Ganacsigeedka ka guddoomay Salaantii uu uga siday Madaxda Imaaraadka, isagoo Madaxweyne Biixi u rajeeyay Shacabka Imaaraadka Barwaaqo iyo horumar.

COMMENTS
Wararka