Wasaaradda Tignoolajiyadda Oo Laashay Ruqsadaha Shirkadaha Isgaadhsiinta
.. Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland ayaa gebi ahaanba laashay ruqsadaha ay haystaan shirkadaha bixiya adeega isgaadhsiinta.
Waxaana la faray shirkadaha isgaadhsiinta in ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo codsadaan ruqsadaha cusub.
Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland C/weli Suufi Jibriil.
Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan: