|
|
||||
|
Haldoornews.com
Wariye Axmed Cabdinuur oo Ku Geeriyooday London
January 6, 2021 - Written by admin— Mid ka mid ah wariyeyaashuu rug-caddaaga ahaa ee ugu caansanaa laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska. Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa. Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho. Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fadhiistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Hoos ka daawo taariikhdiisa
COMMENTS
|
Wararka
|
|||